Madaxweynaha HirShabelle oo lakarantiilay+COD

1840

Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyey inuu muddo toddobaad ah ku jiro karantiil la xiriira cudurka Coronavirus, saacado kadib markii ay Caasimada Online sidaas werisay.

Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.”

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah.

“Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Guddoomiyaha ayaa mar si toos ah wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.”