Madaxweynaha IIRAAN ‘oo dil ka bad-baaday

24

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa wareysi la sii daayay Isniintii ku sheegay in Israa’iil, oo bishii hore dagaal 12 maalmood qaatay la gashay Iiraan, ay isku dayday inay disho.

Hadalladan ayaa yimid wax ka yar bil ka dib markii Israa’iil ay 13-kii Juun bilowday duqeymo aan noocooda horay loo arag oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu dilay taliyeyaal sarsare oo ciidan iyo saynisyahanno dhinaca Nukliyeerka ah.

Weerarrada Israa’iil ayaa dhacay laba maalmood ka hor inta aanay Tehran iyo Washington isugu imaan wareeg cusub oo wada-hadallo Nukliyeer ah, taasoo hakad gelisay gorgortankii lagu doonayay in heshiis looga gaaro barnaamijka atoomikada ee Iiraan.
“Haa, way isku dayeen. Siyaabahaas ayay u dhaqmeen, laakiin way ku fashilmeen,” ayuu Pezeshkian u sheegay shaqsiga caanka ah ee warbaahinta Mareykanka, Tucker Carlson, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu aaminsan yahay in Israa’iil ay isku dayday inay disho.

“Ma ahayn Mareykanka kii ka dambeeyay isku-dayga dilkeyga. Waxay ahayd Israa’iil. Waxaan ku jiray kulan… waxay isku dayeen inay duqeeyaan aagga aan kulanka ku lahayn,” ayuu yiri sida ku cad tarjumaad laga soo xigtay hadalladiisa oo Afka Faarisiga ahaa, isagoo u muuqday inuu tixraacayo isku-day dil oo la sheegay inuu dhacay intii uu socday dagaalkii dhowaa.

Ugu yaraan 1,060 qof ayaa ku dhintay Iiraan intii uu socday iska horimaadka, sida ay sheegtay Hay’adda Shuhadada iyo Arrimaha Mujaahidiinta ee Iiraan (Iran’s Foundation of Martyrs and Veterans Affairs).
Weerarrada Israa’iil ayaa kiciyay weerarro aargoosi ah oo isugu jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo, kuwaas oo 28 qof ku dilay gudaha Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.