Madaxweynaha Iran Wasiirkii A/dibeda oo geeriyooday

120

Warbaahinta Iran ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ay dhammaan ku dhinteen, shil diyaarad hellikobter ah oo xalay ka dhacay buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Saraakiil ka tirsan Iran oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay geerida Ra’iisi iyo madaxdii kale ee Dowladda Iran ee la saarnaa diyaaradda hellikobterka ah.

“Madaxweyne Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo dhammaan rakaabki la socday kulligood waxay ku dhinteen shilka” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Reuters, ee codsaday in aanan la magac-dhabin sababo la xiriira warkaan oo ah mid xasaasi ah.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada madaxweynaha, iyada oo qortay sidan “dhammaan rakaabkii la socday hellikobterti wadday madaxweynaha Iran iyo wasiirkii arrimaha dibadda waa ay shahiideen”.

Goor sii horreysay oo saakay ah, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddii ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Wixi warar ah ee ku soo kordha dhimashada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran, halkaan ayaad kala socon doontaan, haddii uu ALLE idmo.

VOA + Reuters