Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Ku Laabtay Baydhabo & Guushiisii Uu Kala Noqday Nairobi + COD

1561

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo Wafdi uu hogaaminayey oo Maalmahaan Kusugnaa Nairobi ayaa Maanta Dalka kusoo laabtay.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulkiisa oo Xildhibaano,Wasiiro iyo saraakiil Ciidan iskugu jiray ayaana Madaarka uga hortegay Wafdigaan.

Garoonka Diyaaradaha Shaati guduud Ee Magaalada Baydhabo ayaana Wafdiga si heer sare ah loogu soo dhaweeyey,iyadoo kadib uu warbaahinta la hadlay.

Madaxweyne C/casiis Lafta gareen ayaa Saxaafada lahadlay isagoo sheegay in Xubno ka socday Beesha Caalamka kula soo kulmeen Magaalada Nairobi,safarkaasina uu guul kusoo dhamaaday.