Madaxweynaha kooxda Barcelona oo ka hadlay mustaqbalka tababare Valverde

1798

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xaqiijiyay sida uu u doonayo iny baaqi ugu sii ahaadaan garoonka Cump Nou, tababare Ernesto Valverde iyo difaac dambeedka bidix ee Jordi Alba.

Weli waxaa jira warar shaki galinaya mustaqbalka tababare Ernesto Valverde ee kooxda Barcelona xili ciyaareedka soo socda, halka Jordi Alba oo qandaraaskiisa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedka soo socda lala xiriirinayo isna kooxaha Manchester United iyo Juventus.

Hadaba madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu oo ka hadlayay mustaqbalka labadan nin ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan doonayaa Valverde iyo Jordi Alba inay nala sii joogaan, mid kastana wuxuu leeyahay qandaraas, waxaan u sheegay Alba inaan doonayo inuu sii joogo kooxda muddo shan sano kale ee soo socota”.

“Waa ciyaaryahanka watigan iyo mustaqbalka, saxiixa waa natiijada shaqada koox dad ah oo ka socota bulshada iyo dhaqaalaha, dad badan ayaa soo dhexgalay”.

“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano seddexleyda taariikhiga ah, waxaan ku riyooneynaa Champions League, laakiin waan ka war qabnaa in wadada ay aad u fog tahay, sidoo kale Sevilla waa koox adag”.