Madaxweynaha Somaliya oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuti

1607

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal.

Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.