Madaxweyne Ali Omar Bongo oo la Af-gembiyay

200

Wararka ka imaanaya dalka Gabon ayaa sheegaya in saakay dalkaasi ka dhacay af-gambi milatari, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii madaxweynaha ee dhacday uu mar kale ku guuleestay madaxweyne Ali Omar Bongo.

Saraakiil katirsan milatariga dalka Gabon ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen talada dalkaasi, waxa ayna saraakiishan laaleen meeshana ka saareen natiijada doorashada uu mar kale saakay ku guuleestay madaxweynaha dalkaasi.

Telefishinka Qaranka dalka Gabon oo ay kasoo muuqdeen saraakiisha milatari ayey ku shaaciyeen in xilka laga tuuray madaxweynaha, waxa ay sidoo kale saraakiishan sheegeen in lakala diray hayádihii dowladda lana xiray xuduuda dalkaasi.

Guddiga doorashada madaxweynaha dalka Gabon ayaa saakay hore ku dhawaaqay in doorashadii dhacday uu ku guuleestay madaxweyne Ali Omar Bongo oo helay 64.27% codadkii doorashada ee la dhiibtay.

Magaalada Libreville ee caasimadda dalka Gabon ayaa saakay laga maqlay rasaas iyo qarax weyn, waxaana magaalada wali ka jirta xaalad hubanti laáan , waxaana goobaha qaar lagu arkayaa ciidamo milatari ah.

Madaxweynaha dib loo doortay xilkana saakay ka tuureen milatariga Gabon Ali Omar Bongo ayaa talada dalkaasi hayay muddo 14-sanno ah, waxaana mar kale shacabka dalkaasi u doorteen in uu sii hoggaamiyo sannado kale.