Madaxweyne Dani Oo Bilaabay Qorshe uu kula Dagalamayo Xildhibaanada Ka soo Horjeeda

1818

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Puntland ayaa warqad uu u diray Baarlamaanka Puntland waxaa uu kaga dalbaday in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaasoo Sabtidii la soo dhaafay buuq ka dhex dhaliyay furitaankii Baarlamaanka, kaddib markii uu su’aal adag uu weydiiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, taasoo keentay inuu isagoo careysan ka baxo Fadhiga.

Qoraalka uu soo saaray kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Dr. Maxamed Xareed Faarax ayaa lagu sheegay hadalo qadaf ah oo su’aalo loo ekeysiiyay uu Xildhibaan Cawil weydiiyay Golaha Xukuumadda, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mdi xadgudub ah.