Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda

1504

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale Casumaad u diray Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda Ammaanka dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasumaaddaan ayaa todobaadkaan gaartay Madaxda maamul goboleedyadda, waxaana shaki badan laga muujinaya suurtagalnimadda in ay yimaaddaan Muqdisho xilli uu baaqday shir horay loogu ballamay in uu ka furmo Garowe Bishii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay Madaxda maamul goboleedyadda in uu shirkaan yahay Mid muhiim ah oo ka duwan shirarkii hore.