Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay dalka Masar

1781

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Sharma Sheekh dalka Masar.

Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona dhigiisa Masar dalka C/fitaax Al-SiiSi, waxaana uu sidoo kale qeyb gali doonaa Shirka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo halkaasi ka furmi doona.

Shirkaasi ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona Hoggaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Madaxda Midowga Yurub, waxaana lagu soo bandhigi doonaa Qorshaha Midowga Yurub ee dalalka Carabta.