Madaxweyne ku xigeenka Cuba oo kufaanay inay Itoobiya kadifaacday Somaliya 1978kii

1745

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dalka Cuba, Salvador Valdes Mesa ayaa ka qaybgalay Munaasabad xusuuseed loo qabtay askartii Cuba kaga dhimatay Dagaalkii ay la galeen Soomaaliya iyaga oo garab siinayay Itoobiya.

Salvador ayaa Arbacadii Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaana munaasabadda Goobjoog ka ahaa wakiilo kala duwan oo uu ku jiro Danjiraha Cuba ee Midowga Afrika Angel Villa iyo Madax katirsan Dowladda Itoobiya.

Cuba ayaa ku faantay in Itoobiya ay ka muustay Ciidankii Soomaalida oo inta badan jebiyay dhufeesyadoodii, waxaana uu ubax dhigay taallo lagu xardhay Sawirada Askarta dhimatay.

Wargeyska Prensa Latina ayaa sheegay in Cuba muujisay doorkii ay ku lahayd dib u celinta Ciidankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee kudhowaaday in uu qabsado caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa March-1978.

Ciidan badan oo ka socday Cuba oo taageero ka helayey midowgii Sofiyeet ayaa ku garabsiiyey Ciidankii Itoobiya dagaalkii 1978 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya dagaalkaasi waxa uu istaagay 15-kii May 1978-dii, xiligaas Itoobiya ayaa nafis heshay maadaama gurmad deg deg ah ka heshay midowgi Soofiyeet iyo Cuba.

Cuba si dhab ah uma shaacin tirada Askartii uga geeriyootay dagaalkaas, waxaana taallo lagu xasuusanayo Askartii Cuba ee kudhintay dagaalkaas laga dhisay Itoobiya iyada oo sanad waliba Bisha May loo qabto Munaasabad xusuus ah.

Sababta Cuba ay u garab istaagtay itoobiya waxa ay khubaro badan ku sheegeen in awoodda Ciidamadii Soomaalida iyo kuwii Itoobiya aanay isku dhigmin xilligaas marka laga eego dhinacyada tababarka iyo hubka iyo xirfadda lagu dagaalka.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Cuba ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay Xiriirka dalkiisa iyo Itoobiya wixii ka dambeeyay 1977-dii oo ay garab iyo gaashaan u noqdeen, isla markaana la’aantood Itoobiya xiligaas ay ku hoos noolaan lahayd Soomaaliya.

Maanta oo Jimco ah ayuu dib ugu laabtay Dalkiisa, waxaana dhanka kale uu kamid ahaa Madaxdii ka qaybgashay Xafladii lagu caleemo saaray Madaxweynaha Cusub ee Koofur Afrika Cyril Ramaphosa.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN