Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo Safiir loo Magacaabay

1536

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Safiir u magacaabay C/xakiin C/llaahi Camey oo soo noqday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland.

Kulan Golaha Wasiirada maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa Mr C/xakiin Camey loogu magacaabay inuu noqdo Safiir, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Lama shaacin dalka uu Safiirka ka noqonayo, balse Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay magacaabiddiisa Safiirnimo, iyadoo wareegto lagu soo saari doono dalka loo magacaabayo.

Golaha Wasiirada ayaa horay Safiiro u magacaabay dalal dhowr ah, waxaana su’aal badan la gelinayaa qaababka loo maro magacaabida Safiirada oo muddooyinkii u dambeeyay aan lagu saleyn habka awood qeybsiga, marka loo eego safiiro horay loo magacaabay.
Magacaabida Safiir ee Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland C/xakiin Camey ayaa loo arkaa mid loogu abaal gudayo sida dhow ee ula shaqeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo labadii sano ee uu Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa Puntland.
Sidoo kale C/xakiin Camey ayaa lagu xusuustaa sida uu uga soo horjeeday siyaasadda Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana ay noqdeen labada Mas’uul ee ugu horeeyay ee Puntland soo mara oo iyagoo is khilaafsan xilka baneeya, isla markaana ku guuldareystay doorashadii 8 Janaayo ee sanadkan 2019.