Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeyb galay Aaska Qaran ee loo sameeyay Madaxweyne Ku Xigeenkii Labaad ee Jubaland, Allaha u naxariistee Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo lagu aasay magaalada Kismaayo.
Waxaa Aaska ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Jubaland, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo dadweyne ka Kala yimid dalka gudahiisa iyo dibadiisa.
Waxaan maanta gurigiisii runta ahaa geynay Allah ha u naxariistee Walaalkay, Madaxweyne Ku Xigeenkii Labaad ee Dowladda Jubaland, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey si weyn ugu suntanaa dal jacayl, midnimo bulsho, iyo samatalin dhab ah. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dhismaha hay’adaha Dowladda Jubaland, isagoo kaalin mug leh ku lahaa saldhigga nidaamka dowladnimada ee maanta taagan.
Wuxuu sidoo kale door muuqda ku lahaa dadaalladii dib u heshiisiinta bulshada, isagoo mar walba garab taagnaa geeddi-socodka nabadda, isku duubnida, iyo horumarka guud ee deegaanka.
Maanta waxa aan awoodno waa in aan u ducayno, una barinno Eebbe inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, danbigiisana dhaafo. Annagana waxaa ina saaran masuuliyadda ah in aan sii wadno dadaalkii uu bilaabay iyo riyadiisii ahayd bulsho walaalo ah, isku duuban, oo midnimo ku dhisan.