Madaxweyne Lafta Gareen oo Xilal cusub Magacaabay

1589

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagreen) ayaa waxaa uu Magacaabey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed iyo kuxigeenadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa taliyaha Ciidanka Daraawiishta KG loogu Magacaabey Yoonis Aadan Xasan oo mar soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Baay halka kuxigeenkiisa loo Magacaabey Cabdulle Isaaq Ibraahim.

Sidoo kale waxaa la Magacaabey Taliyaha howlgelinta iyo Taliyaha Gaadiidka Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.