Madaxweyne Qoor Qoor oo booqday wadada (Hobyo Highway)+Sawirro

2153

Dhismaha wadadan oo maraya Degmada Ceelguula oo socday mudo shan sano ah ayaa waxa uh Madaxwehnuhu ku amaanay Gudiga Gob oo wada dhismaha wadadan howsha wanaagsan oo ay bulshada u qabteen iyo halka ay soo gaarsiiyeen dhismaha wadada waxa uuna balan qaaday in inta dhimana uu dhameystiri doono Maamulka Galmudug.
Dhismaha wadadan oo ay hirgalisay shirkadda Gob ayaa lasoo dhameystiray ilaa 152Km oo xiriir ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dhamaan bulshada reer Galmudug, gaar ahaanna Jaaliyadda Galmudug oo gacan weyn ka geystay dhismaha wadadan.

Dhinaca kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa u mahadceliyay shirkadda Gob una balan qaaday in Dowladda Galmudug ay ka qeyb qaadan doonto dhameystirka wadadan halbowlaha u ah reer Galmudug.