Madaxweyne Qoorqoor oo afur u sameeyey Xildhibaanada Galmudug +Sawirro

1579

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xarunta Madaxtooyada Afur sharfeed Ugu sameeyay Xildhibaanada Galmudug.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, wasiirada Galmudug, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada JFS. Waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd mahadcelin iyo xoojinta wadashaqeynta xukuumadda iyo Barlamaanka.

Madaxweynaha ayaa Gollaha Barlamaaka ugu mahadnaqay gudashada waahibkoodii dastuuriga ahaa ee kalsooni siinta Golaha wasiirada iyo meelmarinta Barnaamijka Xukuumadda cusub.

Madaxweynaha ayaa xusay in goggoshii dib-U-hesiintu wali furantahay isla markaana uu diyaar u yahay qancinta cidkasta oo qabta tabasho macquul ah, waxaana Kulanka oo la isku dhaafsaday tallooyin wax dhisaya ayaa ku soo dhaamaaday guul iyo is fahan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.