Madaxweyne Xaaf iyo Ahlusuna oo lagu dhex dhexaadinayo Muqdisho.

1714

Dowladda Federaalka Sooomaaliya ayaa wado qorsho ay ku dhex dhexaadinaysa Madaxweynaha Mamaulka Galmudug Axmed Ducaale geelle Xaaf iyo hoggaanka Ahlusuna waljamacaa.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda soomaaliya ay labada hoggaamiye ka dalbatay in ay u midoobeen dhismaha maamulka Galmudug, islamarkaana marka hore ay heshiis wada gaaraan, iyagoona laga codsaday in aysan jibin heshiisyadii hore ay u wada galeen Hoggaanka Ahlusuna iyo Madaxweyne Xaaf.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hoggaanka Ahlusuna uu diidayin ay tagaan Magaalada Muqdisho, si loo wada heshiisiiyo Ahlusuna iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa dowladda Soomaaliya u sheegay inaysan tagi doonin magaalada muqdisho, islamarkaana ay diyaar u yihiin in loogu yimaado Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa horay cadaado ka sheegay inuu ka baxay heshiiskii uu la galay hoggaanka Ahlusuna, iyadoona haatan dowladda ay wado sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xaaf iyo hoggaanka Ahlusuna.

Marka ay dowladda Soomaaliya heshiisiiso Madaxweyne Xaaf iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa la filayaa in kadib la soo xulayo odayaasha dhaqanka, islamarkaana ay keenaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudugt, iyadoona kadib la magacaabi doono guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub iyo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.