Madaxweyne Xaaf oo Garowe gaaray +SAWIRO

1653

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow ka degay magaalada Garowe, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa.

Xaaf ayaa noqday Madaxweynihii u dambeeyay ee maamul goboleedyada oo gaara Garowe, iyadoo maalintii shalay ay magaalada wada gaareen Madaxda Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Xaaf ayaa ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada ee xilligan khilaafka adag kala dhaxeeya dowladda Federaalka, iyadoo horay eedeymo kala duwan u jeediyay.

Xaaf ayaa shuruud ku xiray shirkii baaqday ee lagu waday inuu bartamihii bishii hore ee April ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaana uu dowladda ka dalbaday in marka hore ay fasaxdo mashaariicdii loogu tala galay Galmudug.

Sidoo kale Xaaf ayaa ka mid ahaa saddexda Madaxweyne Maamul Goboleed ee Nairobi u joogay la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo ka dalbaday in maamuladooda si gaar loo taageero oo aan loo soo marsiin dowladda Federaalka.

Shirka Garowe ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaa uu furmi doonaa maalinta berri oo taariikhda ku beegan 5 May, waxaana uu dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay.