Madaxweyne Xaaf oo isaga tegay Dhuusamareeb

1523

Wararka laga helayo Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goordhow isaga tegay Magaaladaas.

Madaxweyne Xaaf ayaan ku qanacsaneyn wadahadallada dhuusamareeb uga socday Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxda Ahlusunna,waxaana lagu qancin waayay in uu shirarkaasi ka qeyb galo.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Xaaf oo ay galbinayaan qaar ka mid ah Gaadiidka dagaalka ay ku wajahan yihiin Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,halka wararka qaar ay sheegayaan in uu sii mari doono Magalada Cadaado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa iyana ku sugan deegaano hoostaga degmada Matabaan halkaas oo ay u tageen xalinta xiisad u dhaxeysa laba beeleed.