Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray Turkiga

121

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ayaa sidoo kale, wuxuu uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis ciidamada Badda Turkiga ku ilaalinayaan xeebaha Somalia, kuna tababarayaan ciidamada badda DF.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa turkiga ka hor magaalada Nairobi kala qeyb-galay Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayey dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujiyey dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.