Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland oo oo War-Saxaafadeed soo saaray+SAWIRRO

1562

Puntland iyo Galmudug ayaa Warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in aysan qayb ka ahayn sharciyada Patrolka,Doorashooyinka iyo Canshuuraha isla markaana aysan Qusayn Go’aanada Masiiriga ah ee aan Wada ogolka lagu gaarin.

Maamulada ayaa sheegay in aan lagu xukumi doonin labadda maamul go’aamada ay qaadatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka tashan doonaan.

Waxaa ay sheegeen in aysan jirin wax go’aano ah oo ay ku leeyihiin Sharciga Batroolka ee ay Ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, islamarkaana Sharciggaasi uu ahaa mid la Afduubtay.

Labadda maamul ayaa warkaan soo saaray ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug labadda Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland.

 

Kulankooda kadib ayaa waxaa ay siwadajir ah u soo saareen war-Saxaafadeed ka kooban dhowr qodob.