Madaxweynihii Burkina Faso oo laxiray

1046

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa xaqiijiyay in ciidamaada dalka Burkina Faso xireen madaxweynihii dalkaas Roch Christian Kabore.

Diblomaasiyeen iyo mas’ulliyin amni ayaa REUTERS u sheegay in madaxweynaha lagu xiray xero ciidan.

Shalay iyo subaxnimadii manta oo isniin ah, waxaa ka dhacay meel u dhaw madaxtooyada dalkaas is rasaaseyn inkasta oo markii danbe dowladdu sheegtay inaysan jirin wax afgenbi ah.

Todobaadki hore, xukuumada dalka Burkina Faso ayaa sheegtay in la xiray dhowr askari oo lagu soo eedeyay inay afgnebi ka sameey rabeen dalka.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN