Madaxweynihii HirShabelle, oo xilka iska casilay

1284

 

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilay, isaga oo sheegay inuu saluugsan yahay qaabka loo wado dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle.

Warqadda is-casilaadda, oo lasoo garasiiyey Warbaahinta wardoon.net  ayuu Waare ku sheegay in dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle lagu wado si deg deg ah, taasi oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016 la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso.

Waxa uu sheegay in hadda lagu socdo waddadii oo kale, islamarkaana uu soo jeediyey in dib loo dhigo soo xulista xildhibaanada HirShabeelle illaa bil kadib doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, balse taasi ay diideen hoggaanka HirShabeelle, odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo xildhibaanada metela HirShabeelle ee federaalka.

Waare ayaa sidoo kale nasiib-darro ku tilmaamay in mucaaradka dowladda federaalka oo badankood kasoo jeeda HirShabeelle ay ka aamuseen waxa ka socda HirShabeelle, halka ay ka dhiidhin jireen dhibaatooyinka maamul goboleedyada kale.

Waxa uu warqaddiisa ku yiri in isaga oo eegaya dhammaan arrimahaas uu go’aansaday inuu is-casilo.