Madaxweynihii hore ee Nigeria oo gaarey Itoobiya

1794

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u safray dalka Itoobiya si uu u dhexdhexaadiyo dowladda dhexe iyo maamulka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Tallaabada madaxweyne Olusegun Obasanjo ayaa timid kaddib markii madaxweynaha uganda Yoweri Museveni uu tiray qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu ku baaqayay in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Tigray.

Waxaa weli waqooyiga waddanka Itoobiya ka soconaya dagaalkii xoogganaa ee u dhaxeeyay ciidammada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa daacadda u ah maamulka gobolka Tigray.

Ma jirto cid ilaa hadda si rasmi ah weli u shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi sababay, hasayeeshee kumannaan kun oo qof ayaa colaaddaasi ka cararay.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN