Madaxweynihii hore ee Nigeria oo Hargeysa tagay+SAWIRO

1693

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Nigeria Mr. Olusegun Obasanjo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan Seylici ayaa ku qaabilay xarunta madaxtooyada Hargeysa wafdiga uu horkacayo madaxweyne Mr Olusegun Obasanjo.

Mr Olusegun Obasanjo ayaa ahaa Madaxweynaha dalka Nigeria 1999 ilaa 2007, waxaana uu horay u ahaan jiray Generaal ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu Mr Obasanjo uu sidoo kale booqasho ku tegi doono caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.