SAWIRRO Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Garowe

2610

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland si ay uga qeyb galaan Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland mudane Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhoweeyay wafdiga uu horkacayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u badan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka arimaha Maamul goboleedyada UPD mudane Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, Xoghayaha guud ee Xisbiga mudane Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaano labada aqal ee Baarlamaanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ku sii qulqulaya wufuud faro badan kuwaasoo ka qeybgalaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni.