Madaxweynihii hore Masar Maxamed Mursi oo geeriyooday

1619

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa goor dhow geeriyooday, sida ay soo warisay Warbaahinta dowladda Masar, geeridiisa ayaa timid, kaddib markii uu ka soo muuqday Maxkamad.

Maxamed Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doortay, kaddib kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak.

2013 ayaa Milateriga uu hoggaaminayay Abdelfatah Al Sisi ay afgambiyeen, xabsi ayaa loo taxaabay, isaga iyo xubnihii Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Taleefishinka dowlada Masar ayaa sheegay in Mursi oo ahaa 67 sano jir uu ku miyir doorsoomay gudaha maxkamada kadibna uu geeriyooday.

Mursi ayaa hore loogu xukumay labaatan sano oo xabsi ah oo ah dilal ka dhacay banaanbaxyo ka dhacay dalka Masar iyo xukun kale oo xabsi daa’in ah taasoo ah dambi lagu helay inuu xiriir la lahaa dalka Qadar.