Madixii shirkadda diyaaradaha ee Boeing oo shaqada laga eryay

2411

Shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha ayaa si ay dib ugu soo ceshato sumacadeedii macaamiisha waxaa ay shaqadii ka eriday madaxii shirkadda Dennis Muilenburg kaddib markii shilal is xig xigay ay galleen diyaaraddo ay shirkaddu laheyd.

Guud ahaan marka la eego shilalka ay diyaaradani gashay muddo Shan Bilood ah waxaa ku naf waayay dad ku dhawa 400 oo ruux oo Rakaab ahaa, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaradda ay shirkaddani farsameyso.

Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi.

Laakiin lama oga in shaqo ceyrinta madaxii shirkadda Dennis Muilenburg ay si deg deg ah u soo celin doonto sumcadii iyo aaminaadii lagu qabay diyaaradan oo ay dunidu siweyn uga deyrisay.

Waxaa jiray baaritaanno iyo cadaadis ba’an oo ay shirkaddu la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya.