Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Wasaarada Shaqada oo shaaciyay

1642

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa la weeraray Siddeed maalin ka hor (23 Maarso 2019), waxaana masuuliyadda weerarka sheegtay Al Shabaab, iyadoo wasaaradda dadka lagu dilay kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

Todobaad ka dib weerarkii wasaaradda lagu qaaday Al-Shabaab ayaa baahiyay wareysi ay sheegeen inay la yeesheen ruuxii ugu horeeyay ee fuliyay qaraxa koowaad ee lagu galay xarunta wasaaradda oo ku taala agagaarka xarunta taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in ruux magaciisa lagu koobay Jimcaale Yare uu ahaa ruuxii ka dambeeyay qaraxii koowaad ee lagu weeraray xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ee degmada Shangaani.

Jimcaale Yare oo Al-Shabaab looga dhex yaqaan ABUU SUFYAAN, ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Ogaadeen, gaar ahaan jufada Geeddi Cali, waxaana uu ahaa ruux da’yar ah oo 17 sano jir ah, sida Al Shabaab ay baahiyeen.

Ruuxaasi ayaa la sheegay inuu qaraxa koowaad ku dilay ilaalada Wasaaradda, isaga oo ku dhashay degmada Salagle, waxaana kadib xigtay in ciidamada daabacsan Al-Shabaab ay galaan gudaha wasaaradda iyagoo kadib toogasho kula dhaqaaqay shaqaalaha wasaaradda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay soo bandhigi doonaan wareysiyo ay la yeesheen ragii toogashada ka geystay gudaha xarunta wasaaradda.

Inta badan Al-Shabaab ayaa soo bandhiga codadka iyo wareysi ay sheegaan inay yihiin dadka ka dambeeya weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.