Mahad Salaad oo raalli-gelin siiyay Dowladaha Carabta ee loo gefay

1198

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey hadalkii wasiirka warfaafinta Somalia ee ka dhanka ahaa dowlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Mahad Salaad oo war qooraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa shaaca ka qaaday in rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabada xigtay ee ay qaaday dowladda aan lagu dadi karin been iyo tororog, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu raalli-gelin siinayo dowladaha Carbeed ee uu xildhibaanku sheegay in loo gefay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale xusay in dalalka Carbta ay abaal weyn ku lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacan u fidiyeen sanadihii u dambeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay eedeymo culus u jeedisay dalka Imaaraadka oo si adag uga hadlay rabshadihihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-