Mahdi Guuleed oo sheegay in Farmaajo & Rooble midna taageersaneyn

816

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay inuu yahay tabliiq nabadeed, oo uusan midna la safneyn Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay labada masuul in dalka loo turo.

Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.”

Go’aanka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo u muuqda mid dhex-dhexaadnimo ah, ayaa kusoo aadaya xilli ay eedeymo iyo hanjabaado hawada isku marinayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.