Mahdi Guuleed oo u jawaabay Musharaxiin

1506

RW ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamuud Guuleed khadar ayaa si kulul uga jawaabay qoraal ay maanta wadajir u soo saareen musharaxiin badan oo u taagan doorashada Madaxweynaha Somalia.

Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay guddiyada doorashooyinka heer federaal ee uu magacaabay raisul wasaare rooble oo ay sheegeen in lagu soo daray saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka iyo xubno ka tirsan ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Mahdi Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qoraalka ay soo saareen musharaxiinta oo sida uu sheegay ay a muuqato kalsooni daro, quus iyo niyad.

Hoos ka akhriso qoraalka RW ku xigeenka oo dhameystiran.

Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21. Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.

Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray?

“Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha”