Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay ra’isul wasaare Rooble +SAWIRRO

1619

Ra’isul wasaare ku xigeenkii hore Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilka ra’isul wasaaraha ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble.

Xaflad lasoo agaasimay oo ka dhacday Muqdisho ayuu ra’isul wasaaraha cusub xilka kula wareegay iyadoo uu la iska indho-tiray warqadii la sheegay in Xasan Cali Kheyre oo horay xukuumadiisa loo tuuray uu ku doonayay inuu xilka ku wareejiyo.

Dhamaadkii July ayaa kalsoonida lagala noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre, kaas oo noqday kii ugu wakhtiga dheeraa, waxaana muuqata inuu ku hungoobay rabitaankiisii ahaa inuu xilka wareejiyo.

Golaha Shacabka ayaa cod aqbalabiyad leh ku ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble kadib markii loo magacaabay inuu bilaha haray ku dhiso xukuumad dalka ka saarta marxaladda kala guurka.

Ad by Valueimpression
Waxa kaliya ee la sugayo waa in ra’isul wasaaraha cusub uu soo dhiso xukuumad, lana horgeeyo Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa siyaabo kala duwan u arka in xil wareejinta ra’isul wasaaraha cusub uu ku lug yeesho Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo uu dalka joogo Xasan Cali Kheyre.