Malasocotaa dalka ku xiga ee uu Axmed Madoobe booqan doono ?

27

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa Sabtidii shalay ka degay magaalada Nairobi isagoo saaran diyaarad gaar ah.

 

Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dibedda ah ee uu galo tan iyo markii dib loogu doortay hoggaanka Jubaland, natiijo ay diiday in ay aqoonsato dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in Axmed uu la kulmi doono safiirrada beesha caalamka ee Kenya si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee saameynaya Soomaaliya.

 

Ujeedada ugu weyn ee kulamadan ayaa ah khilaafka socda ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulamada ayaa la filayaa in lagu soo qaado wararka ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda dowlad goboleedka Jubaland.

 

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ka dib marka uu soo gaba-gabeeyo kulamadiisa Kenya, uu Axmed qorsheynayo inuu u safro Imaaraadka Carabta isagoo ku tegaya booqasho rasmi ah.

 

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya muran ka dhashay wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habeynta doorashada.

 

Khilaafyadan ayaa abuuray xiisado aad u daran, iyadoo dowladda federaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Axmed kadib dib-u-doorashadiisii sanadkii hore, taasoo aan raacin hannaanka doorashada hal qof, hal cod.

 

Guushiisa sidoo kale ma aysan aqoonsan dowladda federaalka ee Muqdisho.