Maleeshiyaad hubeysan oo guddoomiye degmo dhaawacay

1615

Wararka laga helayo gobolada Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Saqdhii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay hoygooda ugu tageen Qoys ku sugnaa nawaaxiga tuulo lagu Magacaabo xaafoodle oo u dhow deegaanka Balli-busle degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Ilaa Saddex ruux oo ahaa Xoolo dhaqato dhamaantood rag ahaa ayaa la sheegay in qoyska laga dilay,isla markaana maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Qoyska weerarka lagu qaaday oo ahaa Xoolo dhaqato ayaa la sheegay inay dhawaan ka guureen degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug, hayeeshee xalay ay maleeshiyaadka hubeysan weerarka xoogan kala kulmeen.

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Towfiiq ee Gobolka mudug ee Maamulka Puntland Maxamed Cabdulqaadir Axmed oo gurmad ahaan ugu aaday Qoyska la weeraray ayaa waxaa uu ku dhaawacmay rasaas lagu furay xilli uu ku dhowaa halka dadka lagu dilay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in guddoomiyaha iyo gaariga uu watay ay rasaaseeyeen dad reer Guuraa ah oo ka shakiyey,waxaan dhaawaiciisa la geeyay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo lagu daweynayo.