Maleeshiyaadka Gen.Xuud Oo La Wareegay Kontoroolka Beledwayne

1546

Ciidamada Jabhadda ah ee la Magac baxay Xaq u dirirka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay la wereegeen Saaka Kontaroolkii ugu weynaa ee Canshuuraha lagu qaado iyo banaanka hore ee garoonka magaalada Beladweyne.

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxda oo ah kuwo hubeysan ay kasoo Ruuqaansadeen degaanka Ceel-gaal oo ay horay ugu sugnaayen, waxaana lasoo sheegayaa in haatan ay doonayaan in la wareegaan qaybo muhiim ah oo ka tirsan Baladweyne.

Hogaamiyaha Malleyshiyada General Abuukar Xuud ayaa sheegay in sababta ay tahay in sidii ay kaga hortagi lahayeen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Magaladaasi.

Tan iyo Markii maamulka Hir-Shabeelle lagu soo dhisay Magalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi ayaa waxaa soo baxayay qayla dhaanta kasoo yeeraysa Bulshada reer hiiraan, waxaana kasoo dhexbaxay malleyshiyo hubeysan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.