Maleeshiyo shalay ku dagaalamay Ex-Kontrol Afgooye oo lasooqabtay +SAWIRRO

1338

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan DF iyo hubkii ay wateen oo boolisku ay gacanta ku soo dhigeen xilli ay maanta falal amni darro ah ka geysteen degmada isgoyska Ex.Control Afgooye dhinaca xigta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa xusay in iyagoo ka jawaabaya cabashada shacabka degmada Dayniile ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 10 ka tirsan askartan iyo qoryo ka kooban Ak-47, hal PKM ah iyo qoryo kale.

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen abaaro 5:00 galabnimo iney gacanta ku dhigaan raggan hubeysan oo falal dhac iyo dil ka geystay degmada Dayniile, kuwaasoo uu xusay in la horgeyn doono Maxkamadda, si loo marsiiyo xukunka ay muteystaan, isagoo xusay in ciidanka boolisku ay har iyo habeen u taaganyihiin sidii loo ilaalin lahaa hantida iyo sharafka bulshada Soomaaliyeed.

“Saaka abaaro 7:50 daqiiqo waxaa shaqaaqo ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, gaar ahaan dhinaca Dayniile, is rasaaseyntaas oo dhexmartay maleeshiyaad qowleysato ah oo ku dhaqnaa deegaanka, kuwaasoo u soo shaqo tegey inay dhacaan hantida iyo maalka ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku ganacsata, markii ay dhicii bilaabeen ayey iyaga dhexdooda ka tafatay iyagoo isku bilaabay israsaaseyn halkaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso afar qof iyo saddex qof oo dhaawac ah”. ayuu yiri ku xigeenka Afhayeenka Booliska.