Man City oo Arsenal kala wareegtay hoggaanka +SAWRRO

266

Man City ayaa sii haysa wada guusha kulamadeeda Arsenal , waxa ayan ka gaareen guushii 11-aad ee horyaalka ee isku xiga , waxaan looga talaabsaday 3/1

Sheekada qeybta hore : Arsenal iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xili wiilasha Pep ku horeeyeen goolka

Arsenal ciyaar deg degsiimo leh ayay ku bilaabeen Man City si ayay gaabis u aheyd kubadooda balse waxa ay ka faai`deysteen qalad ka dhacay Arsenal gaar ahaan Tomiyasu waxaana gool cajiib ah u turjumay De Bryune daqiiqadii 24-aad

Arsenal kubad wacan ayay ciyaareen iyagana ayaana ku sareyeeyay maamulka kubadda heer dhan %60 waxa ayna heleen rigoore ka dib qalad ka dhacay goolhayaha City waxaana gool u turjumay Saka daqiiqadii 42-aad

Labada qaran waxa ay diideen in ay ciyaareen kubad furan , zaxmo ayaana ku jirtay qadka dhexe , xilli xiddiga City ee Silva uu qabanaayay shaqo aad u wacan oo meel waliba ayuu taagnaa.
Arsenal waxa ay ku guuleysteen in halista weerarka City celiyaan waliba Haaland iyadoo Saliba uu sida kooladi uu ugu dhagannaa Haaland .

Qeybta labaad : qaab jacbur ah ayay ku bilaabeen labada koox , mana jirrin fursado balse guud ahaan labada dhinac hami ah in natiijada wax ka badalaan ayaa ku jiray .
City waxa ay ku doodeen rigoore balse Var ayaa daqiiqadii 59-aad diiday iyadoo sidoo kale hawada lagu laaday kaarka digiinta ee la siiyay Gabriel Magalhaes

Qaladaad ayaa hareeyay ciyaarta xilli kaararka digniinta xaadir ahaayeen xilli labada koox ay ka muuqatay neerfoosnimo .

Daqiiqadii 67-aad City nasiibka ayaa diiday laba fursad xaqiiq gool ayaa laga bad baadiyay oo shabaqa sii galayay waxaana dhanka halista gilinta ku badneyd City

Marka la eego isku dayada City sameynayeen , waxa ay keeneen gool si wada jir ah uga shaqeeyaan Haaland iyo Gundogan waxaana shabqa dhigay Grealish daqiiqadii 2-aad , xilli kubadda ay ku sii dhacday xididg Arsenal ah .

Sidaas oo ay tahay, Arsenal isma dhiibin kubadana waa gaarsiinayeen aagga goosha City balse go`aan qaadasho deg deg ah ayay ka sheeganayeen .

City waxa ay ka faa`ideysanayeen ciyaartooyda Arsenal oo afka hore u soo dhaqaaqayay waxaa lagu helay gool sedexaad waxaana shabaqa dhigtay Haaland daqiiqadii 82-aad

Si kastaba waxa Arsenal looga dhameeyay 3/1 oo hogaanka loogala wareegay .