Man City Oo Garaacday Dinamo Zagreb+Sawirro

2239

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Dinamo Zagreb kulan ka tirsanaa kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions league.

Kooxda Dinamo Zagreb oo lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaa Man City kaga naxsatay gool wakhti hore ah iyaga oo daqiiqadii 10-aadba ka dhaliyay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga.

Man City ayaa bilowday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba raadinayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 34-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City qaab ciyaareed fiicnayd laakiin labada kooxood bar-baro ku ahaayeen natiijada ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay City si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo daqiqiadii 50-aadba dhaliyay goolka 2-aad oo uu u dhaliyay isla xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Isla Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 54-aad soo laabtay isaga oo dhamaystay saddexleydiisa kulanka kooxdiisana u sii dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 84-aad ayay Man City dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Man City ku hogaaminayso kulanka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul ku soo xidhatay wareega Group-yada tartanka champions League.