Man City Oo Guul Ka Soo Gaartay Crystal Palace +SAWIRRO

1764

Man City ayaa guul muhiim ah ka soo gaartay Crystal Palace oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsan wareegga 9-aad ee horyaalka Ingiriiska , waxaana qeybiti hore lagu nastay laba gool oo nadiif ah

Biloowgii City ayaa wacneyd balse halis gillin muuqta ma jirrin halka Crystal Palace ay ku adkeyd in ay kubadda gaarsiiyaan aagga goosha

City maamulka kubadda waa ay ku badnaayeen balse daafaca Crystal Palace ayaa ahaa mid foojigan oo waa ayy diideen in goolal waqti hore ah laga keeno .

Crystal Palace mararka qaar waa ay soo weerar tagayeen waxa ayna City goolasha keeneen dhamaadkii ka dib cadaadis ay saareen Palace waxa uuna goolka koowaad yimid daqiiqaddii 39-aad waxaana qaab cajiib ah u dhaliyay Gabriel Jesus halka kan labaad ay dhaliyeen daqiiqaddii 41-aad

Marka la eego qeybtaas hore City ayaa wacnaayed waxaana lagu nastay labadaas gool ee ay City laheyd

Qeybta labaad , biloowgii labada koox ma sameyn wax halis gilin , waxa ayna ciyaarta u aheyd mid u furan labad dhinac

Palace laba fursad xaqiiq ah ayay City ku heleen , daqiiqaddii 72 goolhayaha City ayaa kubad xaqiiq ah bad baadiyay halka daqiiqaddii 75-aad mar kale Palace waxaa gool cajiib ah ka bad baadiyay goolhayaha ka dibna birta ayay ku sii dhacday

Dhamaadkii City ayaa kubadda ku badneyd waliba maamuleysay balse wadooyinka goosha ayaa laga xertay , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay laba gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Man City

City ayaa guushaas ku gaartay 19 dhibic iyo booska labaad halka Liverpool ka hor kulanka beri ee United ay leeyihiin 24 dhibic iyo booska koowaad.