Man City Oo Heshay Badalka Harry Maguire

1761

Kooxda Man City ayay u badantahay in ay Tottenham iyo chelsea ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca 40 Milyan lagu qiimeeyo ee Nathan Ake sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca Bournemouth ayaa muujiyay tayadiisa cajiibka ah tan ilaa markii uu 20 Milyan ugu biiray kooxda uu hogaamiyo tababare Eddie Howe xagaagii 2017 kadib 5 sano oo uu ku qaatay Chelsea.

Chelsea ayaa doonaysa in ay dib u soo celiso 24 jirka laakiin Ganaaxa ka saaran suuqa ayaa la macno ah in ayna awood u lahayn in ay dib ula soo saxiixato xiddiga xagaagan.

Wargayska SunSport ayaa sheegaya in ay kooxda Tottenham ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga reer Holland si ay ugu badalaan Toby Alderweireld.

Laakiin Wargayka L’Equipe ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Pep Guardiola ee Man City haatan ku dhawdahay in ay ka afduubato xiddiga reer Holland.

Tababaraha Man City ayaa taageere u ahaa Ake tan ilaa xagaagii hore isaga oo xitaa isku dayay in uu u dhaqaaqo saxiixiisa suuqii January.

Waxana uu haatan isku diyaarinayaa in uu xagaagan u dhaqaaqo adeegiisa si uu gu xoojiyo kooxdiisa uguna badalo daafaca Vincent Kompanay kaas oo isaga tagay kooxda xagaagan.