Man City Oo Iska Xaadirisay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka+SAWIRRO

243

Kooxda Man City ayaa kabaha la dul martay Chelsea kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka kana dhacay Etihad Stadium.

Kulanka ayaa dhinac kaliya ahaa iyada oo Man City u awood sheegatay kooxda chelsea kuwaas oo aan madaxa kor u qaadin intii ay ciyaartu socotay.

Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah si ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 23-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Man City ayaa sii waday raadinta goolal kale xilli ay chelsea ku dhibaatoonayso in ay qaado weeraro wax ku ool ah.

Daqiiqadii 30-aad ayaa Man City loo dhigay rikoodhe waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Pep Guardiola ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta ku dilaan si ay qaybta dambe u nastaan.

Daqiiqadii 38-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay City ugu raaxaysanayso ciyaarta.

Qaybta dambe ayaa ahayd mid ay Man City u muuqatay kuwo aan sidii hore u ciyaarayn iyaga oo doonayay in ay natiijada ilaashadaan iyaga oo kaliya baas-baas ciyaarayay.

Chelsea ayuuna wax is badal ah ka muuqdan waxana ay ku ekayd kaliya in ay difaacato waliba difaaceedu ahaa mid aan fiicnayn.

Daqiiqadii 85-aad ayay Man City heshay rikoodhe kale waxana u istaagay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City iska xaadirisay wareega 4-aad ama wareega 16-ka ee koobka FA Cup-ka.