Man City Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Champion-ka+SAWIRRO

1747

Man City ayaa iska xaadirisay wareegga 8-da Champion-ka ka dib markii 2/1 ay uga badiyene Real Madrid oo marti u aheyd waxaana qaladaadka goolashaas lahaa Varane

Sheekada Ciyaarta: Man City iyo Real ayaa nasiinada ku aaday min hal gool, waxa ayna wada ciyaarayeen lugta labaad ee wareeegga 16-ka Champion-ka

Biloowgii qaab deggan ayay ciyaarta ku hilaabatay xilli Real biloowgii sameynayeen baasas balse City waqti kuma qaadan in jawiga ciyaarta la qabsadaan waliba kubadda maamulaan .

Man City waxa ay ka faa`ideysteen qalad uu sameeyay Varane ka dib kubad loo baasay ayuu si qaldan u maamulay waxaana ka qaatay Gabriel Jesus kaasi oo u baasay Raheem kuna hubsday shabaqa waxa ayna aheyd daqiiqadii 9-aad

Ka dib dhacdadaas City iyaga ayaa kubadda haystay waliba waxa ay sigayeen shabaqa Real balse Raheem oo fursadahaas u dhawaanayay ayaan ka faa`ideysan

Real oo kubadaha rogaal celiska ku tiirsaneyd waxa ay keeneen gool ka dib kubad uu farsameystay Rodrygo kaasi oo ka dib soo qajafeeyay waxaana madaxa si cajiib ugu dhaliyay Benzema xilli sedex ciyaaryahan oo City ah uu ka farsameystay

Man City iyaga halis ahaa dhanka weerarka waa ayna ku sareeyeen kubad haysashada xilli labada goolhaye dhamaadkii ay bad baadiyeen fursado goola ah

Soo laabashadii , Real durba gool ayay ku sigeen ka dib kubad si cajiib ah uu u helay Raheem ayuu ku laaday goosha balse goolhayaha ayaa bad baadiyay

City kulamaa aagga goosha Real tagaan halis ayay ahaayeen balse goolhayaha Real ayaa foojignaa , waxaa muuqaneysay in qadka dhexe Real ka soo bixin howshoodii.

Real waxaa ka maqnaa cadaadiska , waxa uuna Zidane badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 61-aad iyadoo uu soo giliyay Marco Asensio waxaana loo saaray Rodrygo

Real daqiiqadi 62-aad gool ayay u dhawaadeen waxaana sidaas sameeyay Benzema ka dib kubad ay iska qaldeen City balse ma dhicin xilli Benzema isku dayo waday waxaan kubad qurxoon ka bad baadiyay goolhayaha City daqiiqadii 63-aad

Ammaan ayuu mudan yahay goolhaah Real waxa uuna si cajiiba ah gool xaqiiq ah uga bad baadiyay Jesus waxa ay aheyd daqiiqadi 65-aad , waxa uuna macalin Pep badalkiisii ugu horeeyay ku soo giliyay Bernardo Silva iyadoo daqiiqadii 67-aad uu u saaray Foden

Xaalka waa xumaaday mar kale Varane ayaa qalad sameeyay kubad uu madaxa ugu baasay goolhayaha ayaa waxaa ka hor qaatay Jesus oo shabaqa dhigay xilli goolhayahana uu babaanka u soo baxay waxa uu goolkaas dhashay daqiiqadii 68-aad, waxaana dhacadaas ka dib Real gool uy diiday goolhgaha ka dib kubad uu laaday Modric .

Real xal raadis ayay ku jireen balse City ayaa foojigneyd , waxa ayna Real daqiiqadii 83-aad soo giloyeen Lucas Vazquez,Federico Valverde iyo Luka Jovic si ugu yaraan shabaqa City u gaaraan halka Man City ay soo giliyeen David Silva oo loo badalay raheem.

Si waliba , Man City waxa ay soo bandhigeen ciyaar isu dheeli tiran dhanka weerarka iyo cadaadiska , waxa aya ciyaarta ku dhameyeen laba hal xilli isu geynta labadii kullan ay noqoneyso 4/2.