Man City Oo Iska Xaadirisya Wareegga 4-ta Ee FA Cup-ka+SAWIRRO

1643

Man City ayaa iska xaadirisay wareegga 4-ta ee FA Cyup-ka ka dib markii waqtigii dhamaadka ay guul ka gaareen Everton oo ay kaga taqaluseen kaliya 5 daqiiqo waxaana goolashaa lahaa Gundogan iyo De Bruyne .

Sheekada Labada Qeyb : Labada koox ayaan isku sameyn halis gilin muuqata marka laga yimaado in City daqiiqaddii 53-aad gool xaqiiq ahaa uu ka bad baadiyay goolhayaha Everton

Everton ayaa aad ugu wacneyd dhanka daafaca waxa ayna Cuty u diideen in si sahal ahbku tagaan aagga goosha xilli dhankooda ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah .

City ayaa aad ugu badneyd kubadda waliba weerar aheyd balse waxaa ka maqnaa xalka waxaana u sii dheeraa dhibaato ah in go`aano deg deg ah qaadnayeen marka aagga goosha Everton yimaadaan taasi oo keeneysay in si qaldan kubadda cagtooda durba uga baxdo

Everton kubad deggan oo kalsooni leh ayay ciyaarayeen xilli daafac ahaan ay wareeriyeen kooxda macalin Pep kuwaasi oo badalkooda ugu horeeyay sameeyay daqiiqaddii 63-aad oo ay ku soo giliyeen Riyad oo loo badalay Bernando Silva waxaana xigay De Bruyne oo la soo giliyay daqiiqadii 80-aad waxaana loo saaray Raheem.

Dhaamaadkii City cadaadis ayay saareen Everton illaa ay ku keeneen gool uu dhaliyay Gundogan daqiiqadii 84-aad ka dib markii fursad wacan uu ku helay kubad birta Everton kaga dhacday saaxibadiisa .

Guud ahaan labadii qeyb ee ciyaarat City iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda waxaana kaliya loo diidanaa in shabaqa booqdeen oo ay dhib badan ka mareen ugu dambeyntiina gool labaad ayay ku heleen Everton waxaana si cajiib ah u dhaliyay De Bruyne daqiiqadii 90-aad waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay city wareegga 4-ta FA Cup-ka isaga xaadiriyeen.