Man United Iyo City Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac+SAWIRRO

1452

Ka dib ciyaar ay kala baqayeen labada koox waliba aysna jirrin fursado xaqiiq ah waxa ay Man United City ku hishiiyeen bar bar dhac bilaa goolal ah

Man United iyo City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore labada koox u muuqdeen kuwo kala cabasanaya .

United ayaa ku sareeysay cadaadiska xilli City iyana dhamadkii ay ka wacnaayeen kooxda Ole Gunner waxa ayna iska qasaariyeen fursad xaqiiq ahaa waxaana sidaas sameeyay Riyad Mheraz daqiiqadii 34-aad

United kubadda iyaga ayaa ku badnaa waxa ayna City ka haysteen qadka dhexe xilli kooxda Pep iyana ka sheeganayeen in afkooda hore uu ahaa maqane jooge .

Biloowgii qeybta labaad , labada koox isku dayo ayay sameeyeen oo dhanka goosha ah xilli United ku wacnaayeen in ay kubadda gaarsiiyaan afka hore ee City

Labaad koox a daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen waxa ayna City qeybihii dhexe isku dayayeen in afka hore si fog ugu dhaqaaqaan xilli United u muuqdeen kuwo in yar dib u gurtay

United waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah , xilli City ay ku wacnaayeen cadaadiska balse ma jirrin halis gilin muuqata , waxa uuna badalka ugu horeeyay yimid daqiiqadii 66-aad waxaana sameeyay City kuwaasi oo soo giliyay Ferran Torres oo loo saaray Riyad Mahrez Halka United daqiqiadii 74-aad soo giliyeen Martial oo loo badalay Mason Greenwood

City dhamaakdi iyaga aya kubadda ku sareeyay maamulkeeda balse ma jirrin fisrad xilli United daqiqiadihii geerida isku dayeen gool ka dib kubad uu laaday Feranndes balse ma dhicin.