Man United iyo Man City oo Isku Aaday Semi-Finalka Carabao Cup-ka

2268

Xidhiidhka ELF ayaa si Rasmi ah u soo saaray isku aadka Semi-finalka tartanka Caraboa cup-ka kadib markii la dhamaystiray wareegii Quarter-Finalka tartanka xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man United, Man City, Leicester Iyo Aston Villa ayaa isagu soo baxay Semi-finalka tartanka Carabao Cup iyaga oo ku dagaalami doona koobka tartanka xilli ciyaareedkna.

Kulamada lugta 1-aad ee Semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa 6 bisha January halka lugta 2-aad la ciyaari doono 27 bisha January.

Kulanka Finalka ayaa la ciyaari doonaa maalin sabti ah oo ku beegan 1 bisha March ee sanadka 2020 kulankaas oo ka dhici doona Wembley .

Kulanka Manchester Derby ayaa ka soo baxay isku aadka Semi-finalka iyada oo Man City booqan doonta kooxda Man United.