Man United Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Club Brugge+SAWIRRO

1858

Kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Club Brugge kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka Europa League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood ee Club Brugge Iyo Man United ayna soo bandhigin qaab ciyaareed fiican oo si weyn loola dhoco inkasta oo labada kooxoodba sameeyeen fursado yar-yar.

Man United ayaa dhanka kubad haysashada ku gacan saraysay iyaga oo maamulayay kooxda laakiin ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafac adag oo ay kooxda Club Brugge gashay.

Kooxda Club Brugge ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Emmanuel Dennis kaas oo baas dheer ka helay goolhayihii hore ee kooxda Liverpool ee Simon Mignolet.

Man United ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan gool xilli Club Brugge ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Club Brugge ayaa dhawr mar k dhawaatay gool rogaal celis ah in ay ka dhaliyaan kooxda Man United kuwaas oo ku mashquulsanaa sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 36-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah laakiin ay Man United maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood heleen fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen goolal kale laakiin waxa ay labadooduba ku fashilmeen in ay goolal u badalaan fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United bar-baro la gashay kooxda Club Brugge kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 32-ka ee tartanka Europa League.