Man United Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Everton +SAWIRRO

1940

Kooxda Man United ayaa ku fashilantay in ay ka faa’iidaysato bar-barihii Chelsea kuna dhawaato kooxda kaalinta 4-aad ku jirta kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Everton kulan ka dhacay garoonka Goodison Park.

Man United ayaa si xun ku bilaabatay ciyaarta kadib markii ay Everton daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad kadib khalad waali ah oo uu Galay Goolhaye David De Gea.

De Gea ayaa doonayay in uu iska fogeeyo kubad uu u dhiibay mid ka mid ah daafacyada Man United laakiin kubadii uu laagay ayaa ku dhacday weeraryahanka Dominic Calvert-Lewin kaas oo sidaas ku dhaliyay goolka 1-aad ee kooxda Everton.

Kooxda Man United ayaa u muuqatay kuwo aanay wax saamayn ah ku yeelan goolka laga dhaliyay iyaga oo Everton ku qaaday weeraro Badan oo aan kala joogsi lahayn.

Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic ayaa birta ku dhufay fursadii ugu horaysay ka hor inta uuna isla isagu laad xoogan ku laagni goolka kaas oo uu badbaadiyay goolhayaha Everton.

Everton ayaa heshay dhawr fursad oo kale oo ay gool ku dhalin kartay daqiiqadihii hore ee ciyaarta xilli ayna Man United wali ka soo kabsan Naxdintii goolka deg-dega ah.

Laakiin Man United ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay iyaga oo Everton ku qasbay in ay daafac galaan xilli ay raadinyeen goolka Bar-Baraha ay ugu soo laabanayaan ciyaarta.

Daqiiqadii 31-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Everton ku hor martay goolka Laakiin ay Man United ahayd kooxda Fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man United sii waday

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man United sii waday in ay ahaato kooxda Fiican ciyaarta laakiin waxa ku adkayd in ay gool dhaliyaan in kasta oo ay sameeyeen fursado fiican oo cajiib ah.

Man United ayaa samaysay fursad cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta laakiin Goolhayaha Everton ayaa sameeyay bad-baadin cajiib ah.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayay Everton dhalisay gool laakiin waxa looga diiday Offside waxana ay ciyaartu sii ahaatay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada Kooxood ku kala bexeen kuna dhamaatay bar-baro 1/1 ah oo ay labada Kooxood ku kala qaybsadeen dhibcahaa.