Man United Oo Garaacday Derby County+SAWIRRO

1966

Kooxda Man United ayaa garaacday kooxda Derby County Kulan ka tirsanaa wareega 5-aad ee FA Cup-ka xilli Re Devils si fudud isaga xaadirisay 8 Dhamaadka Tartanka.

Kooxda uu hogaaminayay Wayne Rooney ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Man United ku qaaday weeraro deg-deg ah bilowgii ciyaarta iyaga oo khatar galiyay goolka Man United.

Laakiin Man United ayaa si fiican u difaacatay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta xilli ay ciyaarayeen baas-baas dagan oo aan deg-deg ku jirin.

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn dagtay iyaga oo la qabsaday ciyaarta bilaabayna in ay raadiyaan goolal iyo waliba ay ciyaarta hogaanka u qabtaan dhanka kubad haysashada.

Daqiiqadii 33-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Luke Shaw kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Man United ayaa sii waday dadaalka iyo waliba raadinta goolasha kale iyaga oo doonayay in ay wakhti hore dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 41-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahankooda cusub ee Odion Ighalo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United si raaxo leh u ciyaartay inkasta oo ay iska caabin yar kala kulantay kooxda uu kabtanka u yahay kabtankeedii hore.

Qaybtii dambe ayay Derby sidii qaybtii hore ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay iyaga oo dhawr mar halis galiyay goolka kooxda Man United.

Laakiin Derby ayaan fursadihii ay helaysay wax gool ah ka dhalin taas oo dhiiri galisay Man United in ay dilaan ciyaarta ka hor inta ayna Derby soo laaban.

Daqiiqadii 70-aad ayay Man united dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Odion Ighalo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Man United ku horayso.

Labada Kooxood ayaa is dhaafsaday fursado labada dhinac ah laakiin midkoodna wax goolal ah kama dhalin fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul ay u qalmeen isagana xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka.