Man United Oo Garaacday Newcastle +SAWIRRO

1814

Kooxda Man United ayaa guul Weyn ah ka gaadhay kooxda Newcastle United iyaga oo ku soo laabtay wadada saxda ah kadib ceebtii Tottenham.

Kulanka ayaa ahaa mid ay United ka muuqatay cabsi iyo waliba is ilaalin gaar ah kadib ceebtii 6/1 ahayd ee kulankii Tottenhma.

Kooxda Newcastle ayaa arintaas ka faa’iidaystay si dar-dar lehna ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo United ku qaadayay weeraro waali ah oo aan kala joogsi lahayn.

Arintaas ayaa keentay in ay daqiiqadii 2-aadba Newcastle Hesho goolka 1-aad kadib markii uu xiddiga Luke Shaw si khaldan kubada u dhex dhigay shabaqa kooxdiisa.

Kooxda Newcastle ayaa sii waday weerarda ay ku doonayso goolal waxana ay samayaysay fursado cajiib ah oo ay ku dheeraysan kareen natiijada ciyaarta.

Laakiin fursadahaas ayaan galin shabaqa kadib markii uu De Gea sameeyay badbaadino cajiib ah oo aad loola riyaaqay.

Man United ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay gool iyaga oo uu u dhaliyay Bruno Fernandes laakiin Goolkaas ayaa laga diidayy sabab la xidhiidha Offside.

Laakiin Daqiiqadii 23-aad ayay Man United heshay goolka saxda ah iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareed aan fiicnayn laakiin natiijadu bar-baro tahay.

Qaybtii dambe ayay Man United gabi ahaan kulanka ku soo gashay si ka duwan sidii hore iyaga oo raadinayay goolal ay hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 58-aad ayay Man United heshay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay Marcus Rashford iyada oo VAR u qabatay rikoodhada.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa u Istaagay in uu laagto laakiin Goolhayaha Newcastle United ayaa si fiican u badbaadiyay rikoodhada.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay sidaas ku dhamaanaysa ayay Man United dhanka kale u rogtay wax kadib markii uu xiddiga Bruno Fernandes daqiiqadii 86-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ka dhigay 2/1.

Daqiiqadii 90-aad ayay Man United dhalisay goolka ay ciyaarta ku dishay kadib markii uu xiddiga Aaron Wan-Bissaka dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Man United iyo goolkii 3-aad ee kooxdiisa.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa daqiiqadii ugu dambaysay goolasha kooxdiisa soo xidhay kadib markii uu shabaqa dhex-dhigay kubada kana dhigay ciyaarta 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.